Puntland oo markale dil ku xukuntay Calool Geel

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)

Maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland ayaa markale dil ku xukuntay Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel)  madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-Shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug.

Gudomiyaha maxkamada ciidamada gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntlnad G/sare Cawil Axmed Faarax oo wareysi gaara siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in shalay xukun dil ah lagu riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) madaxii dhaqaalaha iyo saadka Al-shabaab ugu qaabilsanaa gobolka Mudug.

Puntland ayaa 23 /7/ 2017 Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) iyo saddex qof oo kale ku qabatay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Sirdoonka Puntland iyo Galmudug, kaas oo laga fuliyay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Calool Geel, Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013

 

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ayaa markii hore Maxkamadda ciidamada Puntland 02/03/2013 ku xakuntay dil toogasho ahkadib markii 17/11/2012 lagu qabtay Gaalkacyo isaga oo la sheegay in uu waday boorso ay ku jiraan walxaha qarxa islamarkaana waxaa la sheegay inuu qirtay inuu yahay Al-shabaab, laakiin xabsiga Puntland ayaa laga sii daayay dhamaadkii sanadkii 2014-kii, kadib markii labo muwaadiniin oo reer Puntland ah afduub loogu qabsaday Koonfurta Gaalkacyo, taas oo keentay in qaab nabad ah la isku dhaafsaday Cabdirasaaq Tahliil (Calool Geel) iyo dadkii shacabka ahaa.

Calool Geel, Galkacyo 17/11/2012

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geelayaa lagu eedeeyay sii deyntii sii kadib inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay gudaha Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale isku dhacyadii dhexmaray Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Calool Geel ayaa mar la sheegay in lagu dilay weerarkii 28/09/2016 Ciidamada Puntland oo kaashanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen meel bariga uga beegan Gaalkacyo, kaas oo lagu beegsaday koox lagu tuhunsanaa in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Koonfurta Gaalkacyo 13/11/2018

Dhanka kale Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug waxaa maanta ka dhacay mudaharaad kooban oo ay dhigeen dad u badan dhalinyaro, kaas oo looga soo horjeeday xukunka Puntland ku riday Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo ay ku sheegeen in uu ahaa nin ganacsade ah.

Cabdirasaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) oo lagu eedeynayo madaxda Al-shabaab ayaa saameyn ku yeeshay is bedelada Puntlnad, kadib markii Madaxweyne Gaas 2014-kii xukun dil oo xukuumaddii Faroole ku riday ka furtay, hadana markale xiliigan kala guurka ah dil lagu riday.

PUNTLAND POST