Ku simaha madaxweynaha oo Cambaareeyay qaraxyadii Muqdisho

Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa cambaareeyay weerarada qaraxyada ahaa ee galabta ka dhacay Muqdisho.

“Anigoo ku hadlayay Magacayga iyo kan madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaan cambaareynayaa falkii argagisinimo ee galabta dhacay,dadkii ku geeriyooday Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo kuwii uu dhaawac soo gaareyna Caafimaad deg deg ah allaha ha siiyo”

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxay dad Shacab ah qarxiyeen iyadoo ay tahay maalin jimca ah oo ah maalin ka duwan maalmaha kale sidoo kale ay ciid u tahay dhamaan dadka muslimiinta ah waa koox caadeysatay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah” ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha Soomaaliya.

Qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan Hoteelka Saxafi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho