Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo qasaare geeystay oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxyadaan oo ahaa 4 qarax ayaa lagu weeraray Hoteelka Saxafi oo ku dhow xarunta CID-da ee Muqdisho.
Qaraxa 1-aad ayaa lagu dhuftay irida xarunta Hoteelka Saxafi halka kii labaadna uu ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka halka labada qarax ee kalena ay ka dhaceeyn hafaafka hore ee Hoteelka.
4 dagaalame oo kamid ahaa kooxihii weerarkaasi soo qaaday ayaa isku dayay in ay gudaha u galaan Hoteelka hayeeshee ciidamada amaanka ayaa ka hortagay oo toogtay.
Ku dhowaad 20-ruux ayaa ku dhimatay qaraxyadaasi ka dhacay Muqdisho oo u badan dad rayid ahaa oo gaadiid ku marayay wadada laamiga ah ee hormarta Hoteelka.
Sanadkii 2015-kii ayaa Al-shabaab weerar ku qaadaan Hoteelkaan waxaana ku dhintay Milkiilihii Hoteelka Cabdirashiid Shire Ilqeeyte iyo Abaanduulihii ciidamada xooga daslka Soomaaliyeed General Dhaga Badan.
Faah Faahin Qaraxyada dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.