Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa qarax gaarigiisa loogu xiray magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi ayaa waxaa uu ka dhacay agaarka beerta nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Xildhibaan Cabdiwali maxamed Maxamuud oo kamid ahaa baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana qaraxaasi sidoo kale ku dhintay darawalkii gaariga waday.
waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay labo kamid ahaa dadkii la socday xildhibaanka.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho