Mid kamid ah gaadiidka dagaalka Kenya oo askari ku jiidhay Kismaayo

7 Nov 2018 Kismaayo meydka askariga iyo gaadhiga maray

Mid kamid gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee kamid ah AMISOM ayaa shalay magaalada Kismaayo ku jiidhay askari ka tirsana ciidamada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Gaadhi si xawli ah ku socda oo ay leeyihiin ciidanka Kenya ayaa askariga ku jiidhay bar-kantarool oo ku taalla gudaha magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi ku dhintay askarigii,sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta amniga Jubaland.

Sidoo kale sawir la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya meydka askariga oo hoos yaalla mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidanka Kenya ee ku hawlgala magaca AMISOM.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dareewalka gaadhi uu si kas ah u jiidhay askariga oo muran hore kala dhexeeyay,balse waxa warkaasi beeniyay saraakiisha ciidamada Jubaland oo dhacdada ku tilmaamay mid shil ah.

PUNTLAND POST