Wasiirka Arimaha Gudaha “Shariif Xasan Waxaa uu qaatay tanaasul muhiim ah oo loo baahnaa”

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ka hadlay is casilaadii madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Eng. Sabriye wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo goobjoog ka ahaa is casilaadii Shariif Xasan Sheekh ayaa ku aamanay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qaatay dhismihii maamulka Koonfur galbeed.

Waxa uu sheegay in Shariif Xasan uu qaatay tanaasul muhiim ah oo loobanyahay uu qaatay xaalad adagna ay wajaheeysay maamulka Koonfur galbeed.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay inay deg deg ugu soo baxeen qalalaasaha ku yimid Doorashada la filayo inay ka dhacdo Baydhabo 17 Bishaan oo 10 Cisho ka harsan tahay.

Koonfur galbeed ayaa galeysa waji cusub oo siyaadadeed kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan madaxweynihii maamulkaasi Koonfur galbeed.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post