Shariif Xasan ” Waxaan isku casilay kadib markii aan u dul qaadan waayay faragalinta Dowlada”

Madaxweeynihii hore ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xilkaasi maanta iska casilay ayaa ka hadlay sababihii uu xilkaasi isaga casilay.

Shariif Xasan ayaa eedeeyn u jeediyay dowlada Soomaaliya isaga oo ku eedeeyay in faragalin ay ku sameeysay hanaanka doorashada ee maamulka Koonfur galbeed.

Waxaa uu sheegay in dowlada ay xildhibaanada Baarlamaanka Kuunfur galbeed u daabushay Muqdisho si dowlada ay u maamusho doorashada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isaga u isricmaashay awood hayeeshee uu u tanaasulay shacabka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu ugu baaqay musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Koonfur galbeed ugu baaqay in ay meel iska dhigaan wax kasta oo keeni kara qalalaaso iyo nabadgalyo daro.

Ugu dambeeyntii shacabka Kuunfur galbeed ayuu u rajeeyay hormar iyo bash bash isaga oo u mahad ciliyay cid kasta oo ka qeeyb qaadatay hormarka Koonfur galbeed isaga oona u mahad naqay ciidamada maamulkaasi.

Hoos ka Dhageeyso Codka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland PostÂ