Dibad Baxyo Caawa Ka socdo Baydhabo kadib iscasilaadii Shariif Xasan

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa goordhow ka bilaawday dibad baxyo balaaran oo ay sameeynayaan dadka ku dhaqan magaaladaasi Baydhabo.

Dibad baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kuwaasi oo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah Shariif Xasan.

Banaanbaxayaasha ayaa  taageerayay dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Farmaajo.

Dibad baxayaasha ayaa magaalada ka fujinayay boorarka  uu isku soo sharaxay Shariif Xasan Sheekh aadan oo maanta is casilay islamarkaasina ku dhajinayay boorar uu ku xardhanyahay Madaxweyne Farmaajo.

marqura waxaa is badashay  jawiga doorashada maamulka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya kadib is casilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post