Xafiiska QM ee Somalia oo ka hadlay Gaadiid ay leeyihiin oo lagu Weeraray Cadaado

Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay  Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu cambaareysay xayiraad iyo weerar lagu qaaday kolonyo ay leedahay Qaramada Midoobay meel u dhexeysa magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo iyo 03-dii bishan.

Kolonyadan ayaa waxaa la socday ciidammo boolis ah oo ka tirsan Koofurta Gaalkacyo gelinkii dambe ee Sabtidii, Waxaana meel u jirta 5km magaalada Cadaado ku joojiyay ciidan sheeganayay inay yihiin Boolis balse ma jirin hal askari oo dareeska ciidamada xirnaa.

Blasé, waxay diideen inay gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay oo ay la socdeen koox ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo gogol xaar u ahaa booqashada saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqan lahaa magaalada Dhuusomareeb.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay qoraalka in markii saraakiisha QM ay go’aan-sadeen inay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhacday in baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada ay rasaas ku fureen kolonyadii QM, balse ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada amaba gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Dhanka kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay inay helaan shaqaalaha Qaramada Midoobay marino xor ah oo ay maraan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee UNSOM iyo shaqaalaha QM,sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan halis ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

Ugu dambeyn, Maamulka Koonfur-galbeed ayaa sheegay in baabuurtaan oo ahaa kuwo xamuul ah aysan garanayn shixnadda saaran, isla markaana ay baaritaan ku sameynayaan.

PUNTLAND POST