In ka badan 150 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhibaataysnaa dalka Libya, ayaa dib loogu soo celinaya Soomaaliya Arbacada berri ah,ee ku beegan 7November 2018.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Danjire Cali Saciid Fiqi, ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku sheegay, in dhalinyaro gaaraysa ilaa150 oo ku dhibaataysnaa dalka Libya dib loogu celin doono Soomaaliya maalinta Arbacada ah.
Safiirka ayaa intaasi raaciyay, in soo celinta dhalinyarada ay iska’ kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha IOM iyo UNHCR,hase yeeshee faahfaahin kama bixin magaalooyinka ay dhalinyaradaasi ka joogan dalka Libya.
Sidoo kale safiirka ayaa u mahadceliyay hawl-wadeennada safaaradda Soomaaliya ee waddanka Libya, oo uu ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaateen, soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dayacnaa.
PUNTLAND POST
Cabdiraxmaan Ciise Cumar