GIDG oo Villa Somalia ku eedeeyay in ay af-duubatay xildhibaanadii KGS

Golaha iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin dowlad goboleedyada;Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa si adag u cambaareeyay fara-gelin ay sheegeen in dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo xalay saqdii dhexe ka soo baxay golaha islaashiga dowlad goboleedyada dalka ayay ku sheegeen in ku dhowaad 100 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed loo daad-gureeyay magaalada Muqdisho,islamarkaana lagu qanciyay in ay u codeeyan musharraxa ay wadato Villa Somalia,taasoo meesha ka saaraysa doorasho xor iyo xalaal u dhacda,sida war-murtiyeedka ku xusan.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay siyaasadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,taasoo ay goluhu sheegeen in ay kala qeybin ku hayso maamulka iyo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in arrintaasi sababi karto colaad beeleed fursad siisa in Al-shabaab dib u qabsadan degaannadaasi.

Dhinaca kale goluhu wuxuu soo dhoweeyay is-casilaaddii xubnaha guddiga doorashada Koomfur Galbeed oo ay sheegeen in ay sababtay fara-gelinta dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ay ka digeen in cawaaqib xuma kasta oo doorashada ka dhalata ay mas’uuliyadeeda qaadayso Villa Somalia.

Ugu-dambeyntii, goluhu wuxuu baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaatan sidii dalka looga badbaadin lahaa in xukuumadda Federaalku ay dagaal sokeeye dib ugu celiso.

PUNTLAND POST