Ra’iisul Wasaaraha DF oo si adag u dhaliilay Wasiirradii ka Horreeyay Xukuumaddiisa


Muqdisho (PP) ─
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa eedeyn u jeediyay wasiirradii ka horreeyay wasiiraddii u soo magacaabay oo sheegay inay burburin ku haayeen Wasaaraddaha kala duwan ee dowladda.

Wuxuu sheegay in asaga ka hor in wasiir kasta uu keensan jiray qabiilkiisa, taasina ay tahay mid halis ku ah jiraanta wasaaradaha iyo shaqooyinka caadiga ah ee ka socda.

Sidoo kale, Wasiiradda ayuu sheegay inuu ku amray in aysan shaqaaleysiin karin cid uusan ogeyn, maadaama dhibaatooyin badan ay ka jiraan dalka, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal kula jiraan.

Khayre ayaa Wasiiraddii ugu wanaagsanaa ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo si aan loo fahmin midba midka kale Qabiilkiisa uu ku beddeli jiray si ay shaqo u siiyaan dadka ay isku heybta yihiin.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Somalia ayuu sheegay inay joojisay hab-dhaqankaasoo ahaa mid si weyn u ragaadiyay Dowladnimada Somalia, ayna la dagaalantay musuq-maasuqa.

Ugu dambeyn, Inkastoo Madaxda Dowladda Somalia ay sheegayaan inay la dagaalamayaan musuqmaasuqa, ayaa haddana waxaa jira warar fara badan oo sheegaya in xildhibaanno la siiyay lacago aanay mushaar ahaan u lahayn.

DHAGEYSO: Codka Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre;

PUNTLAND POST