Wasiirkii Tamarta iyo biyaha xukuumada Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay xukuumada Soomaaliya.
Laftagareen uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu iska casilay xilka wasiirnimo kadib markii shuruudaha musharaxiinta madaxtinimo ee Koonfur Galbeed lagu soo daray in uu iska casilo musharax haddii uu hayo xil kale.
“Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay” ayuu yiri Lafta gareen
Laftagareen ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee u tartameeyso xilka madaxtinimo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post