Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida oo Xukuno ku Riday Laba Askari oo Dambiyo lagu helay

Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Somalia ayaa xukunno dil ah ku ridday laba eedeysan oo makamadda lasoo taagay, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen askarta ciidamada dowladda ayna horay u geysteen dilal.

Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay) ayaa loo heystaa inuu dil bareer ah u geystay marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay ciidamada amniga kawada tirsanaayeen, dilkaaso ka dhacay dugsiga Tabbabarka  Jen. Shirbow 30-kii bishii Ogoosto ee 2018-ka.

Xafiiska Xeer-ilaalinta CQS ayaa fadhiga maxkamadda hor keenay afar ruux oo markhaati ahaa, kuwaasoo dambiga ku caddeeyay inuu Maxamed  Xaashi  Waasuge si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed markii uu isku dayay inuu carqaladeeyo shaqo amaanka ah oo uu Marxuumka haayay, isla markaasna uu isku dayay inuu baxsado, laakiinse ay ciidanka oo ka tira-badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku geystay looga qaaday.

Sidoo kale, eedeysanaha labaad oo ahaa C/risaaq Maxamed Jimcaale ayaa isna loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay ka wada tirsanaayeen CXD, dilkaasoo ka dhacay xerada Laanta-buure 27-kii bishii July ee 2018-ka.

Dambiilahan la xukumay ayaa waxaa ku markhaati kacay laba ruux oo ay xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamadu keentay goobta, kuwaasoo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, iyagoo sheegay in eedeysanuhu uu si jees-jees ah u diay marxuumka.

Intaas kaddib, Garsoorayaasha Maxkamada ayaa si wadajir ah ugu xukumay dil tooasho Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  iyo C/risaaq Maxamed Jimcaale , kaddib markii ay ku qanceen caddeymaha labada kiis ee Maxkamadda la hor-keenay.

Ugu dambeyn, Labada askari ee la xukumay ayaa haysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan haddii aysan ku qancin xukunka Maxkamaddu ay  ku ridday.

PUNTLAND POST