Madaxweynaha DF oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjiraha Cusub ee Finland


Muqdisho (PP) ─
Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha ka guddoomay Danjiraha Dowladda Finland ay u soo magacaawday Soomaaliya Mudane Erik Lundberg.

Danjire Erik ayaa Madaxwweynaha Jamhuuriyadda u gudbiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Sauli Niinistö.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo goobjoog ka ahaa munaasabaddan ayaa xusay taariikhda xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la dardar-geliyo iskaashiga saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Finland.

“Dalka Finland waxaan la wadaagnaa xiiir saaxiibtinimo oo ku suntan wakhtigii Soomaaliya ay xurriyadda qaadatay, maadaama ay ka mid ahaayeen dalalkii ugu horreeyey ee ictiraafa madaxbannaanideena. Sidoo kale waxa ay na garab taagnaayeen wakhtiyadii burburka iyagoo gacan ka gaysta ilaa haatan arrimaha caafimaadka, waxbrashada iyo gargaarka xaaladaha bini’aadantinimo.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Ugu dambeyn, Danjire Erik Lundberg ayaa uga mahadceliyey Farmaajo ka guddoomidda warqadahiisa aqoonsi ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay joogtaynta xiriirka labada dal iyo inuu noqdo mid ku saleysan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee dalalka Finland iyo Soomaaliya.

PUNTLAND POST