Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur-galbeed oo Is-casilay

Baydhabo (PP) ─ Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

Xildhibaan Carfo oo shir jaraa’id k qabtay Baydhabo ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay ku timid fara-gelinno uu sheegay in Dowladda Federaalka ah ay ku hayso doorashada Koonfur-galbeed oo dhacaysa 17-ka bishaan.

Tallaabada uu guddoomiyuhu isku casilay ayaa imaanaysa kaddib markii uu maanta shahaadada doorashada uu qaatay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo horay uga tirsanaa Al-shabaab, kana mid ah xubnaha doorashada Koonfur-galbeed ku tartamaya.

Sidoo kale, Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan uu ka tanaasulay ka Qayb-galka tartanka doorashada maamulka Koonfur-galbeed, inkastoo aysan jirin wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan.

Magaalada Baydhabo ayaa dhawaanahan waxaa ka socday diyaar-garow loogu jiro doorashada dhici doonta dhammaadka bishan, waxaana xilkaan ku tartamaya in ka badan labaatan qof oo ay ku jirto haweeney doonaysa inay xilka qabato haddii loo doorto.

Dhanka kale, Is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhawaanahan si aad ah looga dalbanayay Dowladda dhexe ee Somalia inay fara-gelinnada ka dayso doorashada.

Ugu dambeyn, Wixii warar ah ee kasoo krodha is-casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Maamulka Koonfur-galbeed, waxaad  kula socon doontaan wararka soo socda ee Puntland Post.

PUNTLAND POST