Nicholas Haysom iyo Muuse Bixii oo kulmay

Muuse Biixi iyo Nicholas Haysom

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom iyo wafdi uu hogaamninayo ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Nicholas Haysom iyo Muuse Biixi Cabdi ayay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo kamid ahaayeen xiriirka Somaliand iyo Qaramada Midoobay, colaada Tukaraq, wada hadalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo arrimo kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen Muuse Biixi  iyo Nicholas Haysom, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xiriira wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

Sidoo kale Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu Muuse Biixi la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo miro dhal leh keeni kara.

Kulankan Nicholas Haysom  iyo Muuse Bixii waxaa ku wehelinayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil).

Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hogaamninayo ayaa shalay kulan kula qaatay magaalada Garowe Madaxweyne Gaas oo ay kawada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta dowladda dhexe iyo maamulada dalka iyo colaada Tukaraq.

Waa markii ugu horeysay oo Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliaya Nicholas Haysom uu booqasho ku taga maamulada dalka Soomaaliya tan iyo intii la magacaabay.

PUNTLAND POST