Mukhtaar Roobow oo ka hadlay Mowqifka uu qaadanayo hadii looga adkaado Doorashada

Baydhabo (PP) ─ Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo oo ka mid ah xubnaha u tartamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay inuu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada lagu wado inay ka dhacdo Baydhabo 17-ka bishan.

Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in haddii laga guuleysto uu soo dhaweynayo musharraxa xilka kusoo baxa, wuxuuna meesha ka saaray inuu natiijo walba oo soo baxda uu ka hor-imaanayo.

“Haddii aanan ku guuleysan waayo Hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed, oo uu yimaado mid danta deegaanka iyo diinta wada, waan garab is-taagi doonaa, ma dhihi doono Yaasiin aan aniga ku jirin Aqbal ma ahan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale, Khudbad uu u jeediyay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha iyo dugsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo, ayuu u ballan-qaaday in haddii uu ku guuleysto xilka uu xoojin doono aqoonta iyo Waxbarashada deegaannada Koonfur-galbeed.

“Xilka haddii aan ku guuleysto waxaan dhihi doonaa yaa cadowga uga hor-tagaya qori, yaa qalin ku difaaci doona Koonfur-galbeed. Haddii aan intaas isku raacno waxaa heli doonaa ammaan iyo caddaalad,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow Cali.

Dhanka kale, Mukhtaar Roobow oo horay uga tirsanaa Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegay inuu dagaal ku qaadi doono Al-shabaab, isagoo ka codsaday shacabka Koonfur galbeed inay ku garab-siiyaan sidii cadawga ku soo duulay ay isaga difaaci doonaan qori.

Ugu dambeyn, Mukhtaar Roobow ayaa xilka hoggaanka Maamulka Koonfur-galbeed kula tartami doona in ka badan labaatan hoggaamiye oo qaarkood la sheegay inay wadato dowladda Somalia, waxaana xubnaha doorashada ka qayb-galaya ka mid ah madaxweynaha xilligan ee Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

PUNTLAND POST