Koox hubeysan oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Mas’uul ka tirsanaa Shirkadaha Isgaarsiinta

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa gellinkii dambe ee maanta ku dilay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho mid ka mid ah saraakiisha shirkadaha Isgaarsiinta dalka, iyadoo kooxaha dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxaha dilka geystay ay ku hubeysnaayeen bastoolado, ayna mas’uulka ku dileen agagaarka xarujnta ay shirkadda Xawaaladda Tawakal ku leedahay suuqa bakaaraha, gaar ahaan waddada koowaad.

“Dableyda dilka geystay waxay si lama filaan ah u toogteen mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo lagu magaccabai jiray Cimsaan Maxamuud, dilka kaddibna way baxasdeen,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka goobta uu dilku ka dhacay ku sugnaa.

Sidoo kale, Goobjoogayaasha ayaa sheegay inaysan garanayn sababta dilkan ka dambeysa, waxayna xuseen in tani ay cabsi weyn ku abuurtay shaqaalaha shirkadaha ku yaalla Suuqa Bakaaraha, iyadoo bishii hore sidan oo kale loo dilay mas’uul ka tirsanaa Shirkadad Xawaaladda Amal, iyadoo aan illaa hadda cidna loo qaban dilkiisa.

Dhanka kale, Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ayaa goobta uu dilku ka dhacya gaaray, kuwaasoo aan ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxaha dilka geystay, kaddib baaritaanno saacado socday oo ka sameeyeen halkaas.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka mas’uulkan, sidoo kalena kama aysan hadlin shirkadda Isgaarsiinta Hormuud dilka loo geystay sarkaalkan ka tirsanaa shaqaalaheeda gellinkii dambe ee maanta.

Ugu dambeyn, Dilkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii u dambeeyay ay ka shaqeynayeen gudaha suuqa Bakaaraha ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda si ammaanka u adkeeyaan, kaddib cabashooyin amni-darro oo kasoo yeeray ganacsatada Suuqa Bakaaraha.

PUNTLAND POST