Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Xaaf.
Sh Shaaakir ayaa sheegay in aanay jirin xiligaan qilaaf u dhaxeeyo madaxda Gal-Mudug isaga oo sheegay in madaxda Gal-Mudug ay tahay mid mideeysan.
Waxa uu sheegay in uu ku dhaqmayo heshiiskii Ahlusunno iyo Gal-Mudug ay ku saxiixdeen magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Djabuuti.
Tan iyo markii Madaxda Xukuumada Gal-Mudug uu soo saaray warqad uu ku soo dhoweeynayo shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo waxaa soo ifbaxayay qilaaf la sheegay in uu soo kala dhaxgalay.
Hoos ka Dhageeyso codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post