Ha’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay saldhiga degmada Hodan ee Muqdisho koox ay sheegeen in ay lacago sharci daro ah ay ka qaadanayeen barakacayaal degan Muqdisho.
Kooxdaasi oo gaareeysa 10 -ruux ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay isaga dhigayeen dadka barakacayaasha ah in ay ka socdaan Ha’adaha gargaarka islamarkaasina ay sawiro ka qaadaan sidaasina ay lacago uga qaateen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Carab iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali ayaa warbaahinta u soo bandhigay.
Masuuliyiintaasi ayaa waxa ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay lacago ka qaataan dadka barakacayaasha ah.
Shacabka ayeey ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan dadka sameeynaya falalka ceenkaan oo kale ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho
You must be logged in to post a comment.