Haweeneydii u Horreysay oo loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Itoobiya

Addis Ababa (PP) ─ Haweeneydii ugu horreysay ayaa loo magacabay inay madax ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaas, taasoo macnaheedu yahay inay tahay madaxa garsoorka Itoobiya oo dhan, taasoo ka dhigaysa in Xukuumadda Itoobiya ay awood badan siisay haweenka.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah xilka cusub u dhaariyay Meaza Ashenafi, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay inta badan xubnaha ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo ku tilmaamay in tani ay isbedel ku keeni doonto garsoorka Itoobiya.

Magacaabidda Meaza Ashenafi ayaa imaanaysa kaddib laba todobaad kaddib markii ra’iisul wasaaraha Itooiya Abiy Ahmed uu 10 haween ah u magacaabay xilal sare oo wasiirnimo ah, sidoo kalena madaxweyne dalkaas loo doortay haweeney khabiirad ah.

Haweeneydan oo ahayd aasaasihii ururka qareennada haweenka Itoobiya, ayaa waxay xilliyadii dambe shaqadeedu ahayd la taliye xuquuqda haweenka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay qareennada Itoobiya in tani ay ka dhigan tahay hagaajinta cadaaladda Itoobiya, si loo helo dalabyada kaga imaanaya shacabka, gaar ahaan helidda cadaalad, dimuqraadiyad iyo sidoo kale hagaajinta isbedellada dalka.

“Waxaan magacaabay Ashenafi anigoo aaminsan inay aqoon dheeraad ah u leedahay arrimaha sharciga, waxaana magacaabiddan ay ku timid si heer caalami ah,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa si aqlabiyad ah leh ku meel-mariyay magacaabidda haweeneydan oo aqoon sare u leh sharciga. Iyadoo dastuurka Itoobiya uu qabo in hay’adaha garsoorka dalkaas ay yihiin kuwo ka madax-bannaan xukuumadda.

Dhanka kale, Toddobaadkii lasoo dhafay ayay ahayd markii madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya loo dhaariyay Sahle-Work Zewde oo ah haweeneydii ugu horreysay oo madaxweyne ka noqoto dalkan ku yaalla Bariga Afrika.

Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare ka noqday dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed waxaa dhacay isbedello waaweyn, waxaana ka mid ah in xukuumadda awood badan laga siiyay haweenka iyo in lasoo afjaray colaaddii dalkaas kala dhexeysa dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, taasoo soo jiitamaysay 20-sanadood.

Ugu dambeyn, Inkastoo Abiy Ahmed uu dadaal badan sameeyay haddana weli waxaa ka socda dalka Itoobiya rabshado dhaliyay dhibaatooyin intooda badan ku dhacay shacabka dalkaas, waxaana sannadkan dhacay dagaallo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof.

PUNTLAND POST