Muxuu u furmi waayay kal-fadhiga Baarlamanka Puntland?

Kal-fadhigii u dambeeyay ee Baarlamanka Puntland ayaa kooram la’aan u furmi waayay,,sida uu xaqiijiyay guddoonka golaha wakiilada.

In ta badan xubnaha Baarlamanka ayaa ku kala maqan degaannada laga soo doorto,si ay mar kale kursiga u helaan,taasi oo sababtay kooram la’aan,sida uu sheegay guddoonku.

Dhinaca kale xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Puntland Post u sheegay in kooram la’aanta ay qeyb ka yihiin mudanayaal soo diyaariyay mooshin Dastuurka lagu furayo,balse markii guddoonku mooshinkaasi laalay iyguna diiday in soo xaadiran kal-fadhiga.

Kal-fadhigan  ayaan noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland ee xil-hayntoodu dhammaatay,waxaana ajandihiisa ugu muhiimsanaa ansixinta miisaanadda saddexda bilood ee u horreeyay sannadka 2019.

Miisaaniyaddaas ayaa mudnaan gaar ah u leh Puntland,maadaama ay tahay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeyso saddexda bilood ee kala guurka ah(labada xukuumadood is-beddelayaan).

PUNTLAND POST