Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo u digtay Ciidamada

Muqdisho[Puntland Post] Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaliya ayaa ciidamada uga digtay in qof shacab ah oo aan hubeysnayn ayaa dilaan, Xilli mararka qaarkood dad shacabka ah ay ka cabanayaan dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac oo ay u geysanayaan ciidamada Dowladda.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalaba sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in askarigii dila qof shacab ah oo aan hebaysnayn oo lagu helo in sharciga la soo taagi doono.

Waxa uu sheegay in ciidamada looga baahan yahay in dadaalka ay bixinayaan aysan ku dheelin hal qof iyo laba qof,i sla markaana muhiim ay tahay in dadka ay helaan amni.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post