Qarjab”Cabdikariin Guuleed Al-shabaab ayuu noo soo gudbin jiray”

Dowladda Puntland ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeedhay madaxweynihii hore ee Galmudug,Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ahaa in Gaalkacyo aan nabad lagu fadhiyi doonin inta ay ka wada-taliyaan laba maamul.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Puntland,Cabdi Xirsi Cali(Qarjab) oo saaka wareysi gaar ah siiyay Puntland Post ayaa sheegay in bulshada Galmudug iyo Puntland ee walaalaha ay wada-ilaashadaan nabadda iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo,islamarkaana aysan dhag jalaq u siin hadallada necaybka iyo colaadda hurinaya ee ka soo yeedhay Cabdikariin Guuleed.

Wasiir Qarjab wuxuu sheegay in mudane Guuleed oo soo noqday madaxweynaha Galmudug aan maanta looga fadhin in uu isku’dir iyo colaad ka dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland iyo Galmudug,xilli bulshada labada dhinac nabad iyo walaaltinimo si wadajir ah uga shaqeynayaan.

Dhinaca kale Qarjab ayaa Cabdikariin Guuleed ku eedeeyay in uu dagaallo qabiil iyo colaad gobolka ka riday mudadii uu madaxweynaha ka ahaa Galmudug,sidoo kalena malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab u soo gudbiyay dhinaca Puntland,si ay khalkhal uga geystaan.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ka soo daashay kicin qabiil iyo dagaallo sokeeye oo aan dhinacna dan u ahayn,loona baahanyahay mar kasta in laga shaqeeyo dib u-hedhiisiinta iyo nabadeynta shacabka.

PUNTLAND POST