Qarax miino oo caruur ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ay ku waxyeeloobeen caruur aad u da’yar.

Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd oo ay gar garaaceen caruur islamarkaasina ku qaraxday.

1 Wiil ayaa geeriyooday halka 3 kalena ay miinadaasi ku dhaawacmeen mid kamid ahna uu aad u liito xaaladiisa caafimaad.

Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Xeraale oo goordhow la hadlay Puntland post ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka dhacdadaasi ay u dhacday.

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay falalka ceenkaan oo kale ah oo ay caruur ay ku waxyeeloobaan miinooyinka haraadiga ahaa ee dagaalada dalka ka dhacay ka haray.

Hoos ka dhageyso Codka goob-joogaha Waxaa wareystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo ka tirsan PP.

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post, Muqdisho