DFS oo qoraal xasaasi ah u dirtay dowlad goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Farmaajo ay weli sideedii tahay, isla markaana dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay inay dhageysato kana garawdo wixii cabashooyin ah ee jira.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa mar kale lagu sheegay in doorashooyinka baarlamaanada iyo madaxda dowlad-goboleedyada ay ku qabsoomaan xilligii loogu tala galay, una dhacaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale, qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay laga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre ay muddo saddex maalin ah uga jawaabaan baaqii ahaa inay la fariistaan maamullada dalka si loo soo af-jaro khilaafka u dhexeeya.

Ugu dambeyn, qoraalka Wasaaradda oo ka kooban afar qodob oo muhiim ah ayaa waxaa ka mid ah. In Dowladda Federaalka ah iyadoo ixtirmaanaysa Dastuurka dalka u yaalla ay aamisan tahay in muran walba lagu dhameeyo wada-tashi.

AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF:

PUNTLAND POST