Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Isimo uu hogaaminayo oo gaaray Badhan

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ay mid yihiin qaar kamid ah  Isimada  Puntland ayaa maanta gaaray degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Boqor Burhaaan Boqor Muuse iyo Isimada la socda waxaa duleedka magaalada Badhan kusoo dhoweeyay qaar kamida Isimada gobolka Sanaag, cuqaal, nabadoono, ganacsato, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ayaa Boqorka iyo isimadii la socdey kusoo dhoweeyay qasriga Suldaanka ee magaalada Badhan, waxaana suldaanka soo dhoweenta ku wehelinayey Garaad Cabdulaahi Cali Ciid iyo cuqaaal kale.

Safarka Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo waftiga balaadhan oo uu hogaaminayo ee Badhan ayaa daarnaa xalinta iyo soo afjarida dhacdadii uu ku geeriyoodey Alle naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo 21 Sepember 2018 ku geeriyoodey degmada Badhan.

PUNTLAND POST