Garoowe: Ciidan gadooday oo diiday in loo gudbo dhinaca madaxtooyada

Ciidanka madaxtooyada Puntland oo ka gadooday mushahar la’aan ayaa saaka goostay wadada laamiga ah ee aadda dhinaca wasaaradaha iyo xarunta madaxtooyada Garoowe.

Dadweynaha magaalada caasimadda ah ee Garoowe ayaa ku waaberiistay ciidan hubaysan oo gaadiidka celinaya kuna amraya in aysan isticmaali karin laamiga u baxa dhinaca wasaaradaha iyo madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan ciidanka madaxtooyada oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in wax mushahar ah qaadan mudda 7 bilood ah,islamarkaana ballanqaadyo loo sameeyay in ay lacagtooda heli doonaan aysan waxba ka hirgelin.

Saraakiishu waxay intaas raaciyeen in ciidanka madaxtooyada Puntland ay tan iyo bilowgii sannadkaan ilaa saddex jeer mushahar la’aan u gadoodeen,balse mar walba ballan-qaadyo loo sameynayay welina haysan helin xuquuqdooda.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntland Post