Ciidankii gadooday oo la qanciyay

Ciidanka madaxtooyada Puntland oo saaka mushahar la’aan u gadooday ayaa haatan dib u furay wadada muhiimka ah ee isku’xidha xarumaha dowladda iyo Garoowe inteeda kale,halkaasoo ay subaxnimadii la wareegeen.

Ilo’xo-ogaal ah oo Puntland Post la hadlay ayaa xaqiijiyay in saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka gadooday uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ku qancisay in qeyb kamid ah mushaharkoodii si deg deg ah loo siinayo.

Wadada u baxda dhinaca madaxtooyada iyo inta badan xarumaha dowladda ee buurta ayaa hadda si caadi ah ku soo laabatay kadib mudda ku dhow saddex saacadood oo ay u xidhnayd ciidanka gadooday.

Dhinaca kale gadoodka ciidankan ayaa ku soo aaday xilli maanta magaalada Garoowe ay ku soo wajahan yihiin madaxda dowlad goboleedyada Jubaland Galmudug iyo Koonfur Galbeed kuwaasoo ka qeyb galaya shirka madasha iskaashiga dowlad goboleedyada oo Garoowe ka furmaya.

PUNTLAND POST