Qoryooley Foundation Oo Magaalada Bosaso Weli Ka Wada Howlo Caafimaad

Bosaso[Puntland Post]-Qoryooley Foundation gaar ahaan kooxda caafimaadka ee wareega (Mobile Team) ayaa waxa ay baaris iyo daaweyn ka wadaan xeryaha baracakacayaasha ee magaalada Bosaso (IDP)

Afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxa ay kooxda caafimaadka ee wareega (Mibile Team) waxa ay adeeg caafimaad oo isugu jiray baaris iyo daaweyn u sameeyey 104 qof oo isgu jiray rag, dumar, carruur iyo dad da’ah.

Dhammmaan dadkaasi ayaa ahaa kuwa qabay baahiyaha gaar ah(Especiall Need) sida dhimirka, curyaamiintya xubnaha iyo sidoo kale dad qaba dhiig kar iyo sonkor.

Mashruucaan ayaa waxaa fulinayey Dr.Qoryooley Foundation gaar haan kooxda caafimaadka ee wareega oo ka kooban laba koox(Kooxdii waxa ay ka koban tahay dhakhtar, kalkaaliye, sheybaariste, farmashiste, lojistigo iyo sakuuritiga.

Mahruucana ayaa waxaa horey u daah-furay duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. xubnaha golaha deegaanka, issimada, cuqaal, gudoomiyeyaasha xaafadaha magaalada iyo gudoomiyeyaasha xeryaha barakacayaasha.

Kooxda caafimaadka ee wareega ee Dr.Qoryooley Foundation ayaa aadi doona degmooyinka iyo tuulooyinka Puntland markii ay dhammeystaan qorsheyaasha mashruuca Bosaso, waxa ayna adeegyo caafimaad oo kale duwan u sameyn doonaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Especiall Needs)

Dhammaan issimada iyo culimada ayaaa soo dhaweeyey mashruucan, iyagoo ALLE uga beryay in u jeedooyinkiisa lagu guleysto.

Cabdiqani Boos

Puntland Post