Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa ka horyimid go’aanno uu sheegay in madaxda kale ee golaha iskaashiga dowlad goboleeda ay ka soo saareen shir ay ku yeesheen magaalada Nairob,sida uu hadalka u dhigay.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Waare ayaa lagu sheegay in golaha iskaashiga laga leexiyay ujeedkii loo as’aasay ahaa arrimaha Federaalka,islamarkaana uu noqday is-bahaysi mucaarad ah oo lagu wiiqayo dowladnimada Soomaaliya.
Waxaa kale oo war-saxaafadeedka lagu xusay in go’aannada goluhu gaaray ee ay ka maqantahay Hirshabeelle ay yihiin kuwa sharci-darro ah oo baal-marsan hadafkii loo as’aasay golaha oo aysan aqoonsaneyn Hirshabeele.
Dhinaca kale sida war-murtiyeedka ka muuqata madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu diido ka muujiyay magacaabista,af-hayeeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ,isagoo sheegay in uu baraha bulshada ka arkay magacaabista.
Halkaan ak akhriso war-saxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.