NISA oo qabatay rag ku shaqeysta dhaqida iyo farsameynta dollar-ka

Muqdisho-[Puntland Post] Qoraal la soo dhigay bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaliya ee NISA ayaa lagu cadeeyay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in lagu soo qabtay shabakad ka shaqeysata sameynta dollar-ka.

Warka ka soo baxay hay,adda NISA ayaa lagu sheegay in labo kamid ah kooxdan gacanta lagu dhigay kuwa kalana lagu raad joogo.

Kooxdan la qabtay ayey NISA ku sheegtay in ay xiriir la lahayeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, laakiin lama cadayn magaca Xildhibaanka oo xogtiisa lo gudbiyay NISA, sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga.

“Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”.

Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigto rag sameey-nayay dollar been abuur ah oo dadka lagu khaldo, waxana arintan ku lug leh Xildhibaano ka tirsan dawlada Soomaliya oo ragan la shaqayn jiray sida lagu sheegay qoraalka.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post