Masuul lagu weeraray Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi goordhow uu ka dhacay weerar loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana lagu weeraray gudoomiyaha haweenka gobolka Bay marwo Muraayo.

Dabley hubeysan ayaa gudoomiyaha weerar ku qaaday hoygeeda xili la hurdo waxaana ay iska caabin dableydaasi kala kulmeen ilaalada gudoomiyaha, ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa ka dhaca dagaalo soo laa laabta oo u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.

Puntland Post