In ka badan 30-ruux oo ku sumoobay Hilib ay Cuneeyn Gobolka Gal-Gaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Haraare oo 40 KM dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balan-bale ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sumoobay in ka badan 30-ruux oo reer mii ah.

Dadkaan oo ah reer mii ayaa waxa ay ku sumoobeen hilib geel ay cuneeyn iyaga oo isugu yimid meel alle bari ah.

1-ruux ayaa u geeriyooday suntaasi halka dad kale oo aad u badana lagu dabiibayo isbitaalada degmooyinka Balan-Bale iyo Guriceel ee Gobolka Gal-Gaduud.

Gudoomiyaha Degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay falkaasi iyo sida uu u dhacay,

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ha’ayadaha samafalka iyo ganacsatada in ay caawiyaan dadkaasi la dhibaateeysan sunta.

Hoos ka dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post