Wiil Dhalinyaro ahaa oo jaceyl dartiis isugu dal dalay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay fal ay dadka aad uga arga gaxeen kadib markii wiil dhalinyaro ahaa uu isku dal dalay degmada Kaxda ee Muqdisho arimo jaceyl aawgiis.

Warar ay heshay warbaahinta caalamiga ah ee Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkaan dhalinyarada ahaa uu isku dilay kadib markii gabar uu jeclaa ay diiday.

Allaha u naxariistee Maxamuud Macalin Siidii ayaa kamid ahaa dhalinyarada barakacayaasha ee ku sugan waaxda 1-aad degmada Kaxda ee Muqdisho.

Goobjooge goobtaasi ku sugan oo la hadashay warqabadka warbaahinta Puntland Post ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay qaabka uu falkaasi naxdinta leh u dhacay.

Dhacdooyinka ceenkaan oo kale ah ayaa ka dhaca qaar kamid ah magaalooyinka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageeyso Codka 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqidhso