Waare “Ma aqbaleyno shirar ay Hirshabeelle ka maqantahay in ay dhacaan”

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qeybgalin shirkii u dambeeyay ee madaxda maamul goboleedyada ay ku yeesheen Nairobi.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro in shir uu ka maqanyahay maamulka Hir-shabeelle la qabto iyada oo maamulkiisa uu ka mid yahay maamulada dalka ka jira.

Waare ayaa sheegay in Hir-shabeelle aynan aqoonsan doonin islamarkaasina ay ka soo horjeedo wax kasta oo ka soo baxa shirkaasi maadaama Hir-shabeelle aanay ka qeyb galin.

Madaxweynaha maamulka Hir-shabelle ayaa ka baaqday ka qeyb galka shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacay Nairobi, kadib markii culeysyo ay madaxweyne Waare ka soo wajaheen Baarlamaanka maamulkiisa oo mooshin ka soo gudbiyay.

Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in heshiis uu la gaaray dowlada dhexe ee Soomaaliya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post