Masuul katirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo qarax gaarigiisa loogu xiray Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa goordhow waxaa ka dhacay qarax loogu xeray masuul katirsan maamulka gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay isgooyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gaarigaan oo ah nooca loo yaqaano Priemiyo ayaa ayaa waxaa iska leh Cabdullaahi Daahir  oo kamid ah shaqalaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Masuulkaasi ayaa ka bad baaday qaraxa loogu xeray gaarigiisa.

Ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu qaraxaasi ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka wada howlgalo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho