Maamulka Cadaado oo Amar soo saaray xili khilaafka Gal-mudug uu marayo meeshii ugu xumeyd

Maamulka Cusub ee Gal-Mudug ayaa maanta soo saaray awaamiir ku aaadan in magaaladaasi aan lagu qaban karin shirar aanay ogeeyn maamulkooda.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmadda Cadaado Cabdi kariin Maxamed Cilmi  oo soo saaray warqad uu u qeeybiyay warbaahinta ayuu ku sheegay in maamulkooda uu soo saarayo digniin ku aadan in shir uu san maamulka la socon lagu qaban karin.

Amarkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo maamulka Gal-mudug .

Hoos ka aqriso warqada.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post