Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in loo midoobo la dagaalanka Kooxda Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad ay qeybaha bulshada Gobolka Banaadir isku-xusuusinayeen musiibadii Qaran 14-kii Octoobar 2017.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xusuusiyey bulshada Soomaaliyeed muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto kooxaha caadeystay dhibaateynta shacabka, oo weli maskaxda ummadda Soomaaliyeed ay ka guuxeyso falkii argagaxisada ee 14-kii Octoober 2017.

“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.

Ugu dambeyn, Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii waxashnimo ee dhacay 14-kii Octoober inuu mideeyey quluubta Shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST