Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 qof oo shacab ah

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe 5 qof oo shacab ah ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Dadka la toogtay oo dhammaantood rag ahaa ayaa Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen sirdoonka dalalka Soomaaliya,Maraykanka iyo Ingiriiska,sida ay daabacday warbaahinta taageerta Al-shabaab.

Magacyada ragga la toogtay ayaa lagu kala sheegay; Cabdicasiis Cabdisalaam Sheikh Xasan  oo 22  sano jir ah,  Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ah,Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ah,Cawaale Axmed Maxamed 32 sano jir Iyo Cabdulqaadir Isxaaq Amiin oo aan da’diisa la xusin.

Xaakimka Al-shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in dhammaan ragga la toogtay ay maxkamadda ka hor qirteen in ay hoos kala shaqeynayeen sirdoonka Soomaaliya iyo dalalka shisheeye islamarkaana caddaymo kale loo helay denbiyada loo haysto.

Ma jirin wax qiraal iyo caddayn ah oo uu soo bandhigay qaaddiga Al-shabaab marka laga reebo hadalka uu afka ka sheegay,taasi oo shaki gelinaysa sax ahaansha xukunka uu riday.

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan dad shacab ah u laayay iyagoo ku eedeeyay in ay sirdoon u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal shisheeye intaba.

PUNTLAND POST