Garowe: Wasiir Jamaal oo noqday Xildhibaan cusub

Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta DFS, oo noqday Xildhibaan

Doorasho kursi ka banaanaa Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday  magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Dorashadan oo natiijadeeda la sii ogaa, waxaa ku guuleystay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaaal Maxamed Xasan, kadib markii uu helay 49 cod, oo kaimd ah codadkii 51 ergay oo codeynaysay, halka ay xumaadeen 2 cod.

Kursiga uu ku guuleystay Jamaal Maxamed Xasan waxaa horey u baneeyay Dhahar Cali Faarax oo la sheegay si iskiis ah inuu isku casilay, kadibna loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti, xildhibaanka hore ayaa la sheegay in dowladdu ku qancisay kursiga inuu u baneeyo Wasiirka ay isku beeshayihiin ee Jamaal Maxamed Xasan.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u muuqata inay dadaal ku bixinayso sidii ay aqlabiyad ugu yeelan lahayd Golaha shacabka, taas oo meesha ka saari karta in Xukuumadda la xisaabtan uga yimaado Baarlamaanka.

Mid kamid ah Xildhibaan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore soo jeediyay in il gaar ah loo yeesho sida ay Xukuumaddu ugu mil-mayso Golaha shacabka, wuxuuna soo jeediyay in la xadido awooda Wasiirrada ku jira Baarlamaanka, si aysan meesha uga bixin isla xisaabtan.

Inta badan Xukuumadda uu hoggaamiyo Khayre ayaa ah Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qaar kamid ah la magacaabay bilihii ugu dambeeyay ee sanadkan.

Doorashadan kurisga Xildhibaan ee Golaha shacabka Baarlamaanka feeraalka Soomaaliya ayaa ka dhacday xarunta Golaha Wakiiladda Punrland, waxaana goob-joog ka ahaa Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Doorashadan heer Federaal ee ka dhacday Garowe ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan Puntland sheegtay in ay hakisay xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda Federaalka.

PUNTLAND POST