Jubaland: Awaamiir laga soo saaray muranka dhulka

Wareegto ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubaland,Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa lagu mamnuucay in Booliiska iyo maamulka degmada Kismaayo ay ka garnaqaan khilaafaadka ku saabsan la’haanshaha dhulka.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Booliiska iyo dowladd hoose degmada Kismaayo aysan awood qaanuuni ah u lahayn,ka go’aan gaarista khilaafaadka dhulka,marka laga reebo in dowladda hoose ay hubiso,soona caddayso ducumintiyada la’ahaanshaha dhulka ee loo yaqaan(sabar logo),halka Booliiskuna mas’uul ka yahay fulinta awaamiirta hay’adaha sharciga.

Sidoo kale wareegatada waxaa lagu caddeeyay in  hay’adaha  dowladdu  aysan ka garnaqi Karin dacwadaha salka ku haya muranka dhulka,marka laga reebo hay’adaha garsoorka iyo guddiga xallinta khilaafaadka dhulka.

PUNTLAND POST