War-murtiyeed ka soo baxay Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa looga hadlay war-murtiyeedkii labadii bishan ka soo baxay Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Golaha ay lama filaan ku noqotay war murtiyeed Aqalka sare ka soo saareen arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug.
Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Goluhu ka walaacsan yahay in la dhinac maray war murtiyeedkii ay ka soo saareen shirkii magaalada Kismaayo gaar ahaan qodobkiisa 3.9, kaas oo ka digayay faragelinta arrimaha gudaha ee Galmudug.
Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa ugu baaqay Aqalka sare ee Baarlamaanka inay qadariyaan mowqifkooda.
Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in ay dhexdhexaadinayaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, balse sida muuqata kuma guuleysan karaan xal u helida khilaaf labada dhinac.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay kala jebiso Golihii iskaashiga dowlad goboleedyada, kadib markii ay heshiis la gaartay Hirshabeelle.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.