Ciidamada Badda Puntland oo u dabaal degay sanad guuradii 8-aad ee aasaaskooda

Bosaso[Puntland Post] Ciidamada badda Puntland ayaa maanta u dabaal degay sanad guuradii 8-aad we ka soo wareegtay asaaskoodii.

Munaasi badan ka dhacday xaruntooda Boosaaso ayay ciidanku kusoo bandhigeen gaado ka ciyaar iyo waliba dhoolatus, waxaana mudaddii ay socotay halkaasi ka hadlay saraakiisha ciidanka badda Puntland ee magacooda looyaqaano PMPF .

Saraakiisha ciidanka ayaa iyagu dhamaanba waxa ay hambalyo ku aadan sanad guuradaasi hawada umariyeen ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF, waxayna ku amaaneen howsha adag ee ay uhayaan shacabkooda.

Taliyaha ciidamada badda Puntland ayaa Cabdirisaq Diiriye Faarax oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraday mihiimada ciidankan loo asaasay iyo wax yaabaha ay Puntland ka qabtaan.

”Sababtii loo asaasay ciidankani waxa ay ahyd la dagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda Puntland iyo sidokale dib usoo noolaynta sharciga xeebaha, waxaana ay ciidankani kamid yihiin ciidamada Puntland” sidaasi waxa yiri Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan.

”Runtii waxaan leeyahay ciidanka sanadkan sanadkiisa kale ku gaara nabad iyo barwaaqo iyo idinka oo guta waajibaadkiina qaran ee idin saaran, waxaana filayaa in dadaal dheer oo lataaban karo aad qarankiina usoo gasheen hadana siiwada guulaysta” ayuu mar kale yiri Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso