Puntland:- Nidaamka axsaabta badan xal ma inoo yahay?

Tan iyo markii dhidibbada loo taagay dowlad goboleedka Puntland waxaa lagu taamayey in mar uun laga gudbo nidaam siyaasadeedka qabiilka ku dhisan loona gudbo nidaamka doorashada xortaa iyo axsaabta badan ku dhisan. Nasiib daro iyo nasiib wanaag midka ay doontaba ha ahaatee wali Puntland kuma guulaysan inay nidaamkaas ka guurto.

Ka guurid la aanta nidaamkaani waxa ay tilmaam iyo astaanba u noqotay  mid ka mida wax yaabo badan oo Puntland ka khaldan. Dhaleecaynta ugu horaysa ee siyaasiga xil-doonka ahi uu kan kursiga kolkaas ku fadiya uu dusha uga tuuraa waa in uusan wali nidaamkan ka guurin. Haddii aniga lay doorto sanadka ugu dambeeya bilaabi maayo nidaamka dimuquraadiyaynta ee waxaan bilaabayaa sanadka ugu horeeya, waa halhayska musharaxa xildoonkaa. Madaxwayne Gaas isagu waxaa uuba  ka dhigay miisaanka la saari doono dawladdiisa. Qormadaani kuma saabsana maxaa looga guuri waayey nidaamkaan, ee waxay ku saabsan tahay maxaa looga guurayaa? Xaggeese looga guurayaa? Xalse ma ku jiraa nidaamka la rabo in looga guuro kolka lagu jaan-gooyo wadciga aynu iminka ku sugannahay?

MUXUU YAHAY NIDAAMKA AYNU KU DHAQMAYNAY LABAATANKII SANO EE LASOO DHAAFAY?

Cid walba oo dimuquraadiyadda u taqaan bixinta codka iyo xulashada hoggaanka oo kaliya, ayaa u taqaan nidaamka qabaligaa ee aynu ku dhaqano inuu isna yahay qaybsiga kuraaska xildhibaannada iyo xulashada musharaxa oo kaliya. Qolyahaani waxa ay hilmaansan yihiin amaba ay is hilmaansiinayaan in labadaan nidaamba ay ka guda wayn yihiin sida ay ula muuqdaan.

Bulsho waliba waxa ay leedahay nidaam siyaasadeed ka turjama noloshooda iyo daruuufaha ku xeeran. Sidaas daraadeed waxa aynu nahay bulsho ka mida bulshooyinka raacatadaa oo lagu yaqaano inay lee yihiin dhaqan iyo xeer ku haboon daruuftooda. Waxa aynu lahaaan jirney hoggaamiyayaal la dooran jirey ooo gudoonka lahaan jirey iyo guurti talada maarayn jirtey. Waxa aynu lahayn xeer-beegti garsoorayaal ahaa iyo xeer kol hore la qabyo tiray. Waxa aynu lahay qaab iyo nidaam loo xalin jirey khilaafyada. Waxa aynu lahayn goob iyo geed looga doodi jirey amuuraha xasaasigaa ee kolkaas taagan, dood dheer ka gadaalna waxaa laysku raaci jirey hadba meesha loo bato oo uu shir-gudoonku ku ducayn jirey. Dhaqan-siyaasadeedkaan ayuu ahaa midkii uu la yaabay professor I.M. Lewes ee uu ka qoray buugiisa Pastoral democracy (dimuquraadiyaddii raacatada).

Inkasta oo dhaqankii miyiga badankiisii laga yimid kolkii magaalooyinka la soo galay, haddana dhaqan-siyaasadeedkii raacatadu waa waxa kaliye ee wali  saldhig u ah siyaasadda maamullada Soomaalida. Kolkii dawladdii dhexe ay duntayna waa nidaamka kaliye oo inoo shaqeeyey, maxaa yeelay waxa uu ahaa mid aynu anagu hindisnay. Dhaqamadii iyo xeerarkii ajnaanibta ee toobal-caarada inagu ahaayi waxa ay la dumeen dawladdii dhexe. Puntland waxa ay ka mid tahay meelaha ugu wanaagsan ee dhaqan siyaasadeed kaani ka jiro. Dhaqan kaani waxa uu gobolka u horseeday  xasilooni-siyaasadeed oo ah waxa ugu weyn ee nidaam siyaasiya lagu qiimeeyo inuu hirgasho. Wuxuu kale oo uu xal u helay mashaakilaad siyaasadeed oo aynu soo wajahnay. Haddaba waxaad ogaataa xulashada xildhibaanka iyo doorashada musharaxu waa qayb yar oo ka mida nidaam siyaasadeedka raacatada ee aynu ku dhaqano. Qabiil walba waxa uu leeyahay magaalo looga dambeeyo, maleeshiyaad ka amar qaata, warbaahin afkiisa ku hadasha iyo kaabayaal dhaqaale oo uu isagu fan-gareeyo iyo kuwo kale oo uu maanka ku hayo sida jidad, dekado, Airabooro, jaamacado, isbitaalo iy ceelal.  Shantii sanana qabaa’ishaan oo dhan ayaa doorta hoggaamiye aan lahayn kalmadda ugu dambaysa laakiin guddoon ridaa. Nasiib wanaag uma dirirno si jaantaa rogana ee dhaqan-siyaasadeed keena raacatada ayaa maareeya khilaaf-hoosaad yadeena. Haddaba qof walba oo jecel inaynu nidaam cusub u guurno waa in uu ogaadaa miisaanka uu leeyahay nidaamka aynu ka guurayno, iyo khatarta ka imaan karta midka aynu u guurayno.

NIDAAMKA DOORASHADA IYO ASXAABTA BADAN.

Dadka jecel inaynu nidaamkaan dhakhso ugu guurno waxa ay ka kooban yihiin saddex qolo. Kow, ajaanib aan dhaqanka iyo xaalkeena midna aan xog buuxda uhayn oo inagu dirqiya inaynu dhakhso uga guurno nidaam ka qabaligaa ( kuwaani waa kuwa uu Joseph Stiglits madaxwayne ku xigeenkii hore ee World Bankigu ugu yeero la taliyayaal la taliya kuwo uga aqoon badan waxa ay ka talinayaan laakiin aan cidina dhagaysan taladooda) Labo, dad ay ceeb ula muuqato waxa aynu ku dhaqmayno oo jeclaan lahaa in aynu mar’uun ka guurno waxa ula muuqda badawnimada. Saddex, dad soo arkay meelo nidaamka dimuquraadiyaddu si wanaagsan uga hirgashay kuna dooda inaynu dhabahooda dhakso u qaadno. Haddii aynu u jawaabna qolada u dambaysa waxa aynu xasuusinaynaa in dalalka nidaamkaan sida waafigaa uu ugugu shaqaynayaayi ay u soo mareen dariiq dheer.

Dr. Francis Fukuyama oo ah siyaasad-yaqaan iyo bare sare oo caana ayaa waxa uu ku sheegay kitaabkiisa Political order and political decay in dawladaha caalamka ka jiraayi mid waliba sadexda qaybood ee uu nidaam siyaasadeedka casrigaa ka koobanyahay (state, rule of law and democracy) uu midkood dawlad-dhisiddiisa casrigaa  ku bilaabay. Waa kolkii la hirgalinayey dawladaha casrigaa ee maanta caalamka ka jira (modern state). Fukiyama waxa uu yiri Germany oo ah meesha aabaha u ahayd modern state-ka dhistayna kan ugu fiican waxa ay ka bilowday dawlad-dhisideeda casrigaa dhismaha dawlad xoog badan, ka bacdina waxa ay uga gudubtay Rule of law oo ah saraynta sharciga, ugu dambayna waxay qaadatay dimuquraadiyadda kolkii uu dagaalkii labaad ee dunidu uu dhamaaday.

Ingiriisku waxa uu ka bilaabay dawlad-dhisidiisa casrigaa saraynta sharciga ka bacdina waxa uu ku xijiyey dhisidda dawlad xoog leh ugu dambayna boqolaal sano ka bacdi ayuu dimuquraadiyadda hirgashey bilowgii qarnigii tagey. Afrika oo ah meesha uu nidaam siyaasadeedka ugu taagta darani ka jiro ayuu Fukuyama ku tilmaamay inay sabab u tahay halka ay wax ka bilaabeen oo ah is doorashada iyaga oo aan horay u lahaan jirin dawlado xoog leh iyo sarayn sharci toona, maxaa yeelay waxay ahaayeen bulshooyin qabaa’il ku dhisan ka hor intuu uusan gumaystuhu u imaan kaas  oo aan isna  hay’ado caga fiican ku taagan uga tagin.

Haddaba bal ka waran marka aad doonayso dal burburay oo aan muddo soddon sanaa arag wax dawlada iyo bulsho qabaliya inaad  dawlad-dhisidda uga bilowdo dimiquraadiyadda iyo nidaamka axsaabta badan oo aad kusoo aragtay meel uu ka shaqaynayo, laakiin aadan aqoon sida uu ugu shaqeeyey. Ka waran marka aad rabto inaad furto axsaab siyaasadeed iyada oo  aysan jirin wax afkaar siyaasadeeda (political Ideology) sow markaas afkaarta iyo waxa siyaasad lagu abaabulaba (political mobilization) qabyaalad noqon maayaan, meedayse ku dhaqankii qabiilkii ee aad ka guuraysay? Dhanka kalana Professor Poul Colliar oo ah caalim ku xeel dheer Africa iyo dhaqaala yahan caana ayaa cilmi baaris uu sameeyey ku sheegay in dalalka fakhrigaa ay dimuquraadiyadu khatar ku tahay gaar ahaan haddii dakhligoodu ka hooseeyo saddex kun qofkiiba sanadkii. Waxa uu yiri nidaamkaani waa midka xasilooni darada u horseeda dalalka fakhrigaa ee dimiquraadiyadda u yaqaanaa is-doorashada. Ogow waxaa jira in kabad soddon dawladood oo africaana oo ku dooda inay ku dhaqmaan nidaamkaan laakiin waxa ay sameeyaan ay tahay doorashooyin ay ku shubtaan. Colliar waxa uu leeyahay nidaamkaan ayaa kali-talisyadii hadda u fahmeen qaab ay xukunka ku haysan karaan kolkii markii hore cadaadis lagu saaray inay doorashooyin qabtaan.

GUNAANAD

Shaki kuma jiro inaan la qabo wawalka uu qabo qof walba oo reer Puntland ah, ee ah go’aaminta ay masiirka ummadda go’aaminayaan lixdan iyo lix xildhibaan oo calooshood u shaqaystayaala, shantii sanabana mar doorta musharax usoo shaqo tahey inuu ka macaasho masaakiin la daalaa dhacaysa nolol maalmeed kooda. Sidaas daraadeed ayay khasab inagu tahay inaynu qaab xulashadeena wax ka badalno. Waxaan ka afeefanayaa inaadan qormadaan u fahmin in nidaamka aynu ku dhaqano aan laga gudbi karin iyo inuu yahaya kan ugu fiican. Waxaan leeyahay waxaa laga gudbi kara kolka aynu dhisno wax yaabihii kaabayey dawladnimada iyo dheelitirayaashii dimuquraadiyadda (ogow waxa aynu ka hadlaynaa maahan waxa loo yaqaqn liberal democracy oo ah nidaamka xoriyaadka mudlaqa ah ee waa modern state doorasho iyo axsaab ku dhisan) Waxaa lagama maarmaana inta taas ka horaysa inaynu hoggaankeena u doorano si ka gadisan sida aynu iminka u doorano inaga oo tixgalinayna dhaqan-siyaasadeed keena, kana duulayna inaan ka hortagno inay wax inoo dooraan koox yar oo codkooda ka baayac-mushtara. Waxaa dhici karta inaad is waydiiso maxaa nidaamka axsaabta badan ku jaban Somaliland-ba guul iyo sumcad ayay ku heshaye? Waa run in Somaliland dhawr doorasho oo ay xisbiyo badan oo axsaab beeleedihi ka qayb galeen ay qabatay, laakiin ha hilmaamin mar walba oo ay doorasho qabtaanba waxa ay u sii dhawaanayaan dhamaad keedii iyo inay sabab u noqoto xasiloono daro baahsan amaba qaran-jab.

 

Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi