War-murtiyeed ka soo baxay guddiga joogtada ah ee aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka curyaamiyay hay’adihii maamulka ee u dhexeeya madaxda sare dowlad goboleedka Galmudug.
War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyada is-khilaafsan ee madaxda Galmudug ay weli ku jiraan dhaqdhaqaaqyo nidaam burburina oo ay ku duminayan haykalkii dowlad goboleedka Galmudug,waxaana mas’uuliyiinta loogu jeediyay baaq ka kooban saddex qodob oo ku saabsan in la ilaaliyo midnimada iyo wada-shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah ee Galmudug.
Guddiga joogtada ah waxay sidoo kale war-murtiyeedkooda ku sheegeen in aysan aqoonsaneyn xil ka qaadista ay isku-sameeyeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee mas’uuliyiinta Galmudug,waxaana ay ugu baaqeen qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug in ay ka qeyb qaatan dadaallada xal u raadinta khilaafkaasi.
halkaan ka akhriso war-murtiyeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.