Ciidamada militariga dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Darwiishta Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jamaame oo ay gacanta ku haysay Al-shabaab,sida ay sheegtay wakaaladda wararka SONNA.
Howlgallada ayaa bilowday saaka aroortii hore kadib marii ciidamadu weerar qorsheysan ay ku qaadeen degaanno ku teedsan degmada Jamaame,waxaana ay gacanta ku dhigeen tuulooyinka;Bangiini,Maana-muufo iyo Koban oo dhammaantood hoosyimaada magaalada jamaame ee gobolka Jubada Hoose.
Generaal lagu magacaabo Yuusuf Xuseen Cismaan(Dhuumaal) oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONN ayaa xaqiijiyay in Al-shabaab hawlgalladii saaka looga saaray degaanno badan oo ay hore uga sugnaayeen gobolka,islamarkaana laga dilay ilaa shan xubnood ,sida uu hadalka u dhigay.
“Hadda maanta koban baa la joogaa ciidanku Baar-sanguuni wuu ka tagay,howlgalkaasi gurmadkiisa iyo u diyaargarowgiisi iyo ciidankii horaydaasi jiro haday wax soo gaaraan u gurmashadooda ka mid bay ahayd,hadana wax qasaare ah 2 will oo dhaawac ayaa naloo sheegay,iyagana 5 qof ayaa laga dilay mooto ay wateena waa laga qabsaday,hoobiyaal in ay soo ridayeen baa la ii sheegay”ayuu yiri Yuusuf Dhuumal.
Sidoo kale malayshiyaadka Al-shabaab ayaa la sheegaya in ay ka baxeen degmada Jamaame kadib markii ciidamadu ku soo dhowaadeen,inkastoo aysan jirin weli cid si rasmi ah xaqiijisay warkaasi.
PUNTLAND POST