Modric oo ku guuleystay xidiga adduunka 2018

Luka Modric

Luka Modric xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Kurawaatiya ayaa markii kowaad caawa ku guuleystay abaal marinta (Ballon d’Or) xidiga ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka sanadkan 2018.

Modric ayaa abaal marintan kaga guuleystay xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah, wuxuuna codka ugu badan ka helay tababaryaasha iyo kabtanada xulalka qaramada adduunka si la mid ah saxaafada iyo jamaahiirta adduunka oo mid kastaaba boqolkiiba 25% ka yahay codka wax lagu go’aamiyo.

Luka Modric ayaa UEFA Champions League kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid sanadkii saddexaad oo xiriir ah, sidoo kalana xulkiisa Kurawaatiya markii ugu horeysay gaarsiiyay kama dambeystii koobka adduunka 2018.

Sidaan oo kale Modric ayaa sanadkan abaal marinta xidiga ugu fiican qaarada Yurub kaga guuleystay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah.

FIFA ayaa abaal marintan ku bixisay xaflad ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

PUNTLAND POST