Kooxo hubeysn oo Muqdisho ku dilay mas’uul ka tirsanaa Shiradaha Isgaarsiinta Dalka

Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Marxuum lagu sheegay magaciisa Maxamuud Cabdi Maadhiin, iyadoo mas’uuliyadda dilka aysan jirin cid sheegatay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay marxuumka ku dileen agagaarka masjidka Xareed ee Muqdisho, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday.

“Waxaan u maleynaynaa in kooxda dilka geystay ay ahaayeen burad inay taleefoonka gacanta ka qaataan doonayay, waayo maalmihii u dambeeyay sidan oo kale ay kooxo hubeysan dhibaatooyin uga geysanayeen degmada,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tisranaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha ka hawlaha galka, iyadoo la sheegay inuu ku socday xarunta shirkadda ee Suuqa Bakaaraha.

Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaan wlei ka hadlin dilka marxuumkan loogu geystay Muqdisho, waxaana tani ay imaanaysaa xilli uu amniga Muqdisho kasoo darayay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shacabka  ku nool degmooyinka Wardhiigley iyo Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadaha Baar-ubax illaa Xamar Jadiid ay xalay dhigeen bannaan-bax kadib markii Kooxo hubeysan ay taleefannadii ka arursadeen.

Ugu dambeyn, Amniga Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aan xilligaan la isku halleyn karin, maadaama ay soo kordheen dilalka lala beegsanayo hal-doorka bulshada Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST